Wada-xaajood u Dhaxeeya Dowladda Congo iyo Falaagada M-23 oo ka Furmay Dalka Qatar.

6
0

Wafdi ka socday dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Qatar kula kulmay fallaagada M-23 ee ay Rwanda taageerto, iyagoo isku dayaya inay joojiyaan dagaallada ka socda bariga dalkaas, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee AFP Sabtidii, iyadoo soo xiganaysa ilo xog ogaal ka ah wadahadallada.

Ilahan ayaa u sheegay wakaalada, in Doha ay marti galisay, kulan qarsoodi ah oo todobaadkii hore dhex maray wufuud ka kala socotay dowlada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo falaagada M-23, kaas oo ah kulankii ugu horeeyay ee toos ah oo dhexmara muddo dheer.

Waxay intaas ku dareen, in wada-hadalo dheeri ah la filayo inay ka dhacaan Doha, halka Qatar ay isku dayayso inay xalal wax ku ool ah ku dhameeyso khilaafka  ka taagan dalkaasi.

Dhaqdhaqaaqa M-23 ayaa tan iyo sannadkii 2021-kii gacanta ku hayay dhul ballaaran oo ka tirsan gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu ee ku yaalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxayna la wareegeen caasimadahooda oo kala ah, Goma iyo Bukavu, kaddib weerarro xooggan oo dhacay horraantii sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here