Wada Xaajoodka Marxalladda Labaad ee Heshiiska Xabbad joojinta ee Marinka Gaza oo ka Bilaawaday dalka Masar.

17
0

Masar ayaa Khamiistii shalay ku dhawaaqday, in uu bilawday wada xaajoodka wejiga xiga ee heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya Xamaas iyo Yahuudda, kaas oo shalay ka furmay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.

Waaxda Warfaafinta Dowladda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in mas’uuliyiin ka kala socday Qatar,Yahuudda iyo Mareykanka ay billaabeen Khamiista wadahadallo xooggan oo ku saabsan wejiga labaad ee xabbad joojinta.

Waxay intaa ku dartay, in dhexdhexaadiyayaashu ay sidoo kale ka wada hadlayaan sidii kor loogu qaadi lahaa gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee Marinka Gaza, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo macluusha ka jirta marinka iyo taageerada xasilloonida gobolka.

Daahfurka wada-hadalladan ayaa looga goll leeyahay in laga fogaada inay burburto  xabbad-joojintii marinka Gaza, iyadoo wajigiisa koowaad uu ku eg-yahay Sabtida nagu soo wajahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here