Wada-xaajoodya u Dhaxeeya Muqaawamada Falastiin iyo Yahuudda oo lagu Wadaa inay Ka Furmaan Qatar.

5
0

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu ayaa shaaca ka qaaday, in wafdi ka socda maamulkiisa ay maanta oo Axad ah u ambabixi doonaan caasimadda Qadhar ee Dooxa, si ay u sii wadaan wadahadallada ku saabsan dhaqan-galinta hindisaha heshiis xabbad-joojin ah ee lagu wado inuu ka hirgalo marinka go’doonsan ee Qazza, kadib markii ay hindisahaasi aqbashay muqaawamada Falastiin.

Wafdiga ku wajahan Dooxa ayaa waxaa ka mid ah saraakiil sare- sare oo ka tirsan sirdoonka Yahuudda, iyo mid kamida la taliyaasha Ra’iisul wasaaraha Yahuudda, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen kanaalka 12 ee Yahuudda.

Dhanka Muqaawamada Falastiin, Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in uu socdo qabanqaabada shir ka dhacaya magaalada Qaahira oo ay isugu imaanayaan mas’uuliyiin ka tirsan Masar iyo hogaaamiyaasha muqaawamada Falastiin, si loo dardar-galiyo wada-xaajoodka ka furmi doona dalka Qadhar.

Arintaan ayaa ku soo beegmayso, iyadoo Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu lagu wado inuu Isniinta nagu soo wajahan booqasho ku tago magaalada Waashitoon ee caasimadda Mareykanka, halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here