Mawqica Axios ayaa sheegay, in ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe haweenayda lagu magacaabo Barbara Leaf ay tagi doonto Dimishiq maalmaha soo socda.
Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka uu ku tago dalka Suuriya muddo sanado ah.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xiriirkii dublamaasiyadeed ee Mareykanka uu la yeelan doona dowladda ku meel gaarka ah ee dalka Suuriya, kaddib markii la afgambiyay nidaamka Bashaar Al-Asad.
Wargeyska Financial Times ayaa sheegay, in wafdigan ay la kulmi doonaan hoggaamiyaha Hayat Tahrir al-Sham, Ahmed al-Sharaa, oo loo yaqaan Abu Muhammad al-Julani, iyadoo uu noqon doona xiriirkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo dhexmaro Mareykanka iyo hoggaamiyeyaasha cusub ee Suuriya.