Wafdi uu Hogaaminayo Khaliil Al-Xayaa oo Gaaray Qaahira, si Looga Wadahadlo Heshiiska Xabad Joojinta.

17
0

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay, in wafdi uu hogaaminayo Dr. Khaliil Al-Hayya oo ah madaxa dhaq dhaqaaqa Xamaas ee Marinka Qaza ay gaareen magaalada Qaahira, waxayna bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan madaxda Masar.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay socdaan kulammo xiriir ah oo ay ujeedadoodu tahay in daba-gal lagu sameeyo hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta iyo is-dhaafsiga maxaabiista, iyadoo loo marayo guddiyo farsamo iyo dhexdhexaadiyeyaal.

Mar sii horreysay, Xamaas waxay sheegtay inay weli ka go’an tahay heshiiska xabbad-joojinta, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in Yahuuddu ay mas’uul ka tahay dhibaato kasta ama dib u dhac ku yimaada dhaqan-gelintiisa.

Basem Naeem, oo ah xubin sare oo katirsan mas’uuliyiinta Xamaas, ayaa waraysi uu maanta oo Arbaco ah siinayay BBC-da ku sheegay,  in albaabadu u furan yihiin dhexdhexaadiyeyaasha inay soo farageliyaan heshiiska xabbad joojinta, si dib loogu soo celiyo.

Wuxuu intaas ku daray in Xarrakadu ay ku dadaalayso sidii ay uga fogaan lahayd wax walba oo caqabad ku noqon kara, sababtoo ah ma doonayso in heshiiska uu burburo, isagoo muujiyay inay Xamaas diyaar u tahay inay soo wareejiso maxaabiista Sabtida soo socota haddii xaaladda heshiiska sidiiii hore lagusoo celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here