Wararka ka imaanaya wadanka Yemen, ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka murtazaqada Xisamul Amniga oo ay tababaratay dowladda Imaaraatka Carabka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen, weerar nafhurnimo ah oo shalay lala beegsaday xero ay maleeshiyaadkaasi ku leeyihiin mandiqadda Muudiyah ee gobalka Abyan oo dhaca Koonfurta dalka Yeman.
Masuuliyadda weerarkaan waxaa sheegtay kooxda Ansaaru Shareeca oo ah faraca urur weynah AlQaacida ee dalka Yemen.
Sida warbaahinta Alqaacida ay sheegtay weerarka waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan 50 askari.
Weerarkaan ayaa ka dhigan in uu yahay weerar waji cusub u yeelay howlgaladda ururka Alqaacida ee dalka Yeman.
Falaanqeyasha arimaha dagaalada ayaa tilmaamaya in howlgalkii Sihaam Al-xaq ee in muddo ah ay waday kooxda Ansaaru Shareeca uu galay marxalad cusub oo ah adeegsida gawaarida qaraxyada ah.
Hoos ka daawo sawirada saldhigga la weeraray