War Cusub: Askari Horey u Dilay Nabadoon oo La Dilay.

63
0

Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay maanta afafka hore ee degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalkaan waxaa lagu dilay askari katirsana DF ka oo ay ku daba jireen Alshabaab kaas oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Maxamed Nuur, oo ku magac dheeraa Beeso Jecel.

Askariga maanta ay dileen Alshabaab ayna ka qaateen qorigii iyo booshkii uu ku hubeysnaa; ayaa ahaa askarigii dilay Sulaandkii guud ee beesha Hadame Suldaan Cabullaahi Maxamed Yare, oo Saddex Bilood ka hor lagu dilay deegaanka Garasweyne ee hoostaga degmada Xudur.

Dilka askarigaan ayaa ka mid noqonaaya dilal aar-goosi ah oo ay Alshabaab ka fuliyeen dalka Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here