Dawladda Masar ayaa ciidamo u soo diraysa Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaas oo beddelaya hawlgalkii fashilmay ee ATMIS, sidaas waxaa shaaciyay Midowga Afrika.
War-murtiyeed ay soo saareen Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda aqbalay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalka cusub ee lagula dagaalamaayo Xarakada Alshabaab.
Waxaana dalalka kale ee ka midka ah midowga Afrika loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan howlgalka cusub ee lagu beddelay howkgalkii ATMIS.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid ka dib codsi ay dawladda federaalka Soomaaliya u gudbisay midowga Afrika, kaas oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada dawladda Soomaaliya laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.
Dadka falaanqeeya arimaha militariga ayaa sheegay in ciidamada Masar aysan wax weyn ka badali karin dagaalka xarakada Alshabaab ay kawado dalka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedka midowga Afrika