Wararkii Udanbeeyay ee Dagaalada Udhaxeeya Ukraine iyo Ruushka.

46
0

Duqa magaalada Moscow ninka lagu magacaabo Sergei Sobyanin ayaa ku sheegay qoraaal uu ku daabacay bartiisa Telegram, in cutubyada difaaca cirka ee Ruushka ay burburiyeen diyaarad  aan duuliye lahayn oo u soo duushay dhnaka magaalada caasimadda ah ee Moscow, taas oo qayb ka ahayd diyaarada isdaba joog ah oo kasoo duulay dalka Ukraine.

Waxa uu intaa ku daray, in xogta hordhaca ah ee la helay aanay jirin wax khasaare  ama dhaawac ah oo ka dhashay goobta uu kusoo dhacday burburka diyaaradaas oo ku taalla xaafadda Raminsky ee mandiqda Moscow.

Wakaalada wararka ee Ruushka ayaa sheegtay Axadii maanta, in cutubyada difaaca cirka ay burburiyeen 110 diyaaradood oo ay Ukraine  leedahay, kuwaas oo dul heehaabayay meelo ka mid ah dalka, oo ay ku jiraan 8 diyaaradood oo dul maray gobolka Nizhny Novgorod, kaas oo qiyaastii 400 kilomitir dhanka bari ka xiga Moscow.

Barasaabka gobolka Nizhny Novgorod ee dalka Ruushka ayaa maanta sheegay, in 4 ruux oo  dab-damis ah ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen firir ka dhashay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ku qaadeen aagga warshadaha ee magaalada Dzerzhinsk.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Lipetsk ee koonfur-galbeed ee Ruushka ayaa sheegay,  in burburka diyaarad Drone ah uu kadhashay dab muddo kooban ka socday goobta ay ku dhacday diyaaradda, iyadoo aan la sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay.

Saraakiisha gobollada Bryansk iyo Oryol – oo sidoo kale ku yaalla galbeedka Ruushka – ayaa sheegay in cutubyada difaaca cirka ay burburiyeen dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn oo marayay halkaas.

Dhinaca kale, duqa caasimadda Ukraine ee Kiev, ayaa sheegay – goor dambe oo fiidnimadii Sabtida ahayd – in cutubyo ka tirsan difaaca cirka ee Ukraine ay ka hortageen weerar cusub oo dhinaca cirka ah oo uu Ruushku ku soo qaaday magaalada,  duqa magaalada ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay ku nagaadaan hoygooda.

Maamulka difaaca cirka ee Kiev ayaa sheegay, in la burburiyay dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruuska oo dul heehaabayay agagaarka caasimadda, Subaxnimadii hore ee Sabtidii shalay, waxayna intaas ku dareen, in ilaa 15 gobol ay saameeyeen weerarada cirka ee Ruushka.

Warar ayaa tibaaxaya in 8 qof ay ku dhaawacmeen, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka iyo bambaanooyin, oo ka dhacay gobolka Sumy ee bariga dalkaas,  sidoo kale waxaa la burburiyay Qaybo ka mid ah kaabayaasha tamarta Ukraine,  kuwaas oo horay  ula kulmay weerarrada Ruushka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here