Subaxnimadii Khamiista, ciidamada Ukraine ayaa soo saaray digniin dhanka hawada ah, kaddib markii ay ogaadeen, in gantaallada balaastikada ah ee Ruushka ay kusoo wajahan yihiin goballa kala duwan oo ka tirsan Ukraine.
Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa ku sheegay barta Telegram, in Xaaladda digniinta weerarrada hawada looga dhawaaqay Ukraine oo dhan, feejignaan laga qaba in gantaallada Ruushka ay markasta bartilmaameedsan karaan gooba ka tirsan dalkaas.
Ciidanka Cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay ogaadeen, in gantaallada balaastikada ah ee Ruushka loo soo riday dhanka Odessa, Kherson, iyo Mykolaiv.
Warbaahinta ayaa Shalay Arbacadii soo tabinaysay, in ciidamada Ukraine ay weerro ku qaadeen goobo ka mid ah gobolka Kursk, iyagoo adeegsanaya gantaalaha Atakham ee Mareykanka, waxayna filaysaa Ukraine suurtagalnimada in uu Ruushku isagoo ka jawaabaya weerarkaas uu gantaalihiisa balaastikada ah ku bartilmaameedsada gudaha Ukraine.
Geesta kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqday, in ciidamadeeda difaaca cirka ay xalay burburiyeen 25 diyaaradood oo laga leeyahay dalka Ukraine.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Xalay, isku daygii taliska Kiev ee ahaa in uu fuliyo weerarro argagixisnimo oo ka dhanka ah bartilmaameedyo ka tirsan dhulka Ruushka waa la fashiliyay, waxaana nidaamka difaaca cirka lagu burburiyay 25 diyaaradood oo Ukraine leedahay.
Shalay ayey ahayd markii ay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka sheegtay, in ciidamada Ruushka ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kubanki ee dhacda gobolka Kharkiv.