Warbaahinta gumaystaha Sahyuuniyadda ayaa sheegtay in maanta oo Talaado ah la maqlay qaraxyo ka dhacay magaalada Xayfa.
Magaalada Xayfa ayaa ku taalo xeebta bari ee badda Mediterranean-ka, qiyaastii 158 kilomitir ayee waqooyi-galbeed u jirta magaalada Qudus.
Weerarka waxaa loo adeegsaday diyaarad nuuca aan duuliyaha leheen ah ee Drons ta.
Weerarkaan waxaa ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray gumaystaha Yahuuda, waxaana la soo warinaaya in dhowr qof ay ku dhawacmeen oo qaarkood ay dhawacyadodu culus yihiin.
Sidoo kale, weerarkaan ayaa dhacay iyadoo aan raadeerka gumaystaha Yahuuda uu san arkin diyaarada soo gashay hawada Falastiin, arintaas oo lagu tilmaamay in ay tahay fashil ku yimid qalabka raadeerka gumaysataha.
Kooxda Xisbullah ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaan.