Warbaahinta Gumeystaha: 7 Askari Oo Yahuud Ah Ayaa La Dilay 30 Kalana Waa Lagu Dhaawacay Dagaallo Ka Dhacay Marinka Qaza.

13
0

Warbaahinta gumeystaha Israa’iil ayaa shaaciyay in 7 askari lagaga dilay dagaal xoggan oo maanta ka dhacay marinka Qaza, halka 30 kalena lagaga dhaawacay.

Warbaahinta ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 4 askari oo ka tirsan guutada Naxal iyo 2 ka tirsan ciidamada Netzah Yehuda Battalion, marka lagu daro askari kale oo ka tirsan guutada Givati, sida uu sheegay Channel 13 Israel.

Sidoo kale warbaahinta cadowga gumeystaha waxay tilmaantay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan 11 qof oo xaaladoodu halis tahay, oo uu ku jiro sarkaal sare oo darajadiisu tahay Sareeye Guuto.

Qaraxa ay ku hoobteen askarta gumeystaha ayaa ka dhacay Nafaq furan oo ku yaalay waqooyiga Marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here