Shabakadd kasoo baxda dhulka ay Yahuuddu gumaysiga ku haysato oo soo xiganaysa wasiir sare oo ka tirsan xukuumadda Yahuudda ayaa sheegay, in Ra’iisal wasaaraha Sahaayinada Benjamin Netanyahu uu danaynayo in uu heshiis lagalo kooxaha Muqaawamada Falastiiniyiinta, kaas oo lagusoo afjarayo dagaal qaatay mudo sanad kabadan .
Shabakada WALLA ayaa sidoo kale soo xigatay mas’uuliyiin sarsare oo katirsan xukumada Biden, Sarkaal la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu si adag uga hadlay arinta maxaabii is dhaafsiga intii lagu guda jiray wadahadal shalay Arbacadii dhacay, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in diirada la saaro sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista u xiran kooxaha muqaawamada Falastiiniyiinta”.
Telefeshinka MSNBC oo soo xiganaya ergeyga Maraykanka u fadhiya Lubnaan, ninka lagu magacaabo Amos Hockstein, ayaa yiri “Madaxweyne Biden wuxuu yiri, haddii kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay diyaar u yihiin inay heshiis nala galaan, waxaan anakuna diyaar u nahay inaan heshiis lagalno, dagaalkana lasoo gabagabeeyo”.
Arrintan ayaa timid kaddib markii uu dhaqan galay waaberigii shalay oo arbaca ahayd heshiiska xabbad joojinta ah ee u dhexeeyey Yahuudda iyo Xisbullaah, iyadoo rajo laga qabo in la soo afjaro dagaal socday muddo sannad ka badan, isla markaana loo gogol xaarayo heshiis kan la mid ah oo soo afjara dagaalka Qaza.