Warbaahinta Yahuudda oo Daaha ka Qaaday Qorshaha ay Ciidamadu Kaga Baxayaan Marinka Qaza.

2
0

Idaacadda Ciidanka Yahuudda ayaa sheegtay, in ciidanku ay dejiyeen qorshe cusub oo difaac ah oo ku saabsan aagga ay ka insixaabayaan ee Marinka Qaza, kaas oo ay ku jiraan xoojinta nidaamka difaaca ee xudduudaha Marinka, dhanka kalana ay ku jirto in si tartiib tartiib ah looga baxo, inta lagu guda jiro hirgelinta heshiiska isdhaafsiga maxaabiista iyo xabbad joojinta, kaasoo lagu wado inuu dhaqan galo maalinta berito ah ee Axada.

Raadiyaha Yahuudda ayaa sharraxay in qaybta 99-aad ee ciidamada Yahuuddu ay si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan deegaanka Netzarim sida ku cad heshiiska xabbad joojinta, halka qaybta 162-aad ay qaadi doonto mas’uuliyadda difaaca ee aagga woqooyiga marinka Qaza, iyadoo qaybta magaalada Qazana ay qaadi doonto mas’uuliyadda aagga koonfureed ee marinka, sidaas darteedna laba qaybood oo keliya ay kaga hari doonaan ciidamada Yahuuddu Marinka Qaza.

Mareegaha Yahuudda ee Walla iyo i24 News ayaa sidoo kale sheegay, in inta lagu guda jiro fulinta heshiiska, ciidamadu ay hagaajin doonaan hawlgalkooda oo ay si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan magaalooyinka Marinka Qaza.

Horaantii Jimcihii, Golaha Wasiirada Amniga ee Yahuudda ayaa ansixiyay heshiiska isdhaafsiga maxaabiista iyo heshiiska xabad joojinta, waxayna cod aqlabiyad leh  kusoo dhaweeyeen heshiiska.

Waxa loogu yeero wasaaradda cadaaladda ee Yahuudda ayaa daabacday qeybtii ugu horreysay ee liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee lagu sii deyn doono wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.

Inkasta oo heshiiska la gaaray, haddana Yahuuddu waxa ay xoojisay weerarrada ay ku hayso Marinka Qaza maalmihii la soo dhaafay, oo ay ku dishay 116 Falastiiniyiin ah, kuwaas  oo ay ku jiraan 30 carruur ah iyo 32 haween ah, dhuqaymahan ayaa xooggaystay tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska  illaa galabnimadii Jimcaha, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Marinka Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here