Warbaahinta Yahuudda oo Sheegtay in Trump uu Kashifay Daciifnimada Netanyahu.

25
0

Warbaahinta Yahuudda ayaa ka hadashay saamaynta mawqifka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku yeelanayo Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu, waxaanay xustay in hadaladiisii ​​u dambeeyay ay muujinayeen in Netanyahu uu ku jiro xaalad daciif ah, isla markaana ay si xun u saamaynayso mawqifkiisa ku aadan wajiga labaad ee heshiiska.

Waxa kale oo ay diiradda saartay diidmada Netanyahu ee ah in la sii wado wajiga labaad ee wada xaajoodka isdhaafsiga maxaabiista, inkastoo cadaadis gudaha iyo dibadda ah uu wajahayo.

Channel 13 ee Yahuudda ayaa sheegtay in Trump markii la sii daayey saddexda maxbuus uu yiri “Israa’iil waa inay go’aansato waxa ay samaynayso, hadda kubbaddu waxay ku jirtaa gacanta Netanyahu”.

Dhankiisa, falanqeeyaha siyaasadda ee isla kanaalka, Raviv Drucker, ayaa sheegtay in Trump uu Netanyahu u muujinayo qof daciif ah, taas oo dhibaato weyn u geysatay siyaasada gudaha ee garabka midig.

Maraykanka ayaa u muuqda in uu doonayo dib usoo celinta dagaalka marinka Qaza, hase ahaatee markan Yahuudda ayaa ka caga jiidaysa inay mar kale ku laabato marinka ayadoo wali aan kasoo waaqsan jabkii kusoo gaaray Qaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here