Wariyahaan oo loo Xiray Dhacda uu Magaalada Afgooye kasoo Tabiyay Darteed.

48
0

Ciidamada Booliska ee degmada Afgooye ayaa xabsiga u taxaabay ninkaan oo lagu magacaabo Ibraahin Mayow, ahna Wariye u shaqeeya Warbaahinnada maxaliga ah.

Wararku waxay sheegayaan, in wariyahaan u shalay tabiyay hobiyaal ay ciidamada Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen labo xero oo ciidamada dowladda Fadaraalka kuleeyihiin gudaha degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Wariyaha oo laga soo qabtay degmada Afgooye ayaa la soo wariyay in loo  gudbiyay xarunta dembi baarista CID-da ee Muqdisho, halkaas oo lagu waydiin doona su’aalo la xiriiri sababta uu u tabiyay dhacdadaas.

Wariyaasha kasoo warama goobaha ay dowladda Fadaraalku ka taliso ayaa wajahayo xaladoodo hubanti la’aan ah, maadaama haddii ay ka hadlaan xaqiiqada ay ku mutaysan karaan dhibaatooyin ay kamid tahay, xabsi, jirdil iyo handadaadyo joogta ah.

Dhawaan ayay ahayd markii la xiray 17 wariye oo sawirro ka qaaday gaadiidkii ku burburay qaraxii lala eegtay kolonyadii galbinaysay xasan sheekh, waxaana wariyaasha laga tirgtiray sawirradii ay qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here