Wasaaradda Difaaca Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqday in ay injineerada wasaaradda Imaarada Islaamiga ah ay ku guuleysteen markii ugu horeysay inay dayactiraan diyaarado nuuca dagaalka ah.
Diyaaradaha la dayactiray ayaa kala ah diyaarad nuuca militariga oo nuuceedu yahay Y12.
Sidoo kale diyaarad helikobtar ah oo nuuceedu yahay MD530 ayee injineerada Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ay ku guuleysteen dayactirkeeda.
Waxaa xusid mudan in markii ciidamada gumeystaha Mareykanka ay ka baxayeen dalka Afgaanistaan in ay burburiyeen inta badan qalabkii militari ee yaalay xeryaha ay daganaayeen ciidamada Mareykanka.