Wasaaradda Waxbarashada Afgaanistaan Oo Billowday Bixinta Barnaamijyo Waxbarashada Heerka Sare.

27
0

Wasaaradda tacliinta sare ee imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan oo shaaca ka qaaday in la bilaabayo barnaamijo waxbarasho oo heer PHD ah.

Tallaabadaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah guulaha ee ka gaartay imaarada islaamiga ah dhinaca waxbarashada.

Afhayeenkeeda rasmiga ah ee wasaaradda waxbarashada, Diyaa-ullah Hashemi, ayaa ku dhawaaqay in la bilaabayo 20 barnaamij oo ah PHD iyo 44 barnaamij oo Master ah kuwaas oo laga bilaabayo jaamacadaha dawladda tan iyo markii ay imaarada Islaamiga ah dib ugu soo noqotay xukunka dalka Afgaanistaan.

Horumarkani waxa uu ka tarjumayaa sida ay wasaaraddu uga go’an tahay in ay abuurto jawi ku dhisan aqoon horumarsan oo laga hirgaliyp gudaha dalka, iyo bixinta fursado waxbarashada heerka sare ah oo gacan ka geysta dhisidda aqoonyahano ka qayb qaata dib u dhiska waxbarashada Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here