Washington oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Barnaamijka Gantaallada ee Pakistan, iyo Islamabad oo cambaaraysay.

11
0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday, cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay barnaamijka gantaallada ee Pakistan, tallaabadaas oo Islamabad ay cambaareysay.

Cunaqabatayntu waxay xayiraysaa hanti kasta oo taalla Maraykanka, gaar ahaan hay’adaha ay si gaar ah u beegsanayso cunaqabataynta, waxayna ka mamnuucaysaa dadka Ameerikaanka ah ah inay ganacsi la sameeyaan hay’adahaas.

Taas bedelkeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa tallaabada Mareykanka ku tilmaantay mid nasiib darro ah oo eex ah, waxayna sheegtay inay wax u dhimeyso xasilloonida gobolka, iyadoo si muuqata u tixraacaysa xafiiltanka u dhexeeya Pakistan iyo India, oo ah Labada quwadood oo ku hubaysan hubka wax ugaamaada ee Nukliyeerka.

Dukumeenti ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in Xarunta Horumarinta Qaranka ee fadhigeedu yahay Islamabad ay dooneysay inay hesho qaybo kamida gantaalaha Balaastigada ee riddada dheer iyo qalabka tijaabinta gantaallada.

Dukumeentigu waxaa lagu sheegay, in Isku-dhafka Horumarinta Qaranka uu mas’uul ka yahay horumarinta gantaallada Balaastikada ah ee Pakistan, oo ay ku jiraan gantaallada Shaheen. Gantaalada Shaheen ayaana awooda in ay qaadaan hubka nukliyeerka. Sida uu sheegay ururka “The Bulletin of the Atomic Scientists”

Pakistan waxay samaysay tijaabadii ugu horaysay ee hubka Nukliyeerka sanadkii 1998-kii, waxayna noqotay dalkii todobaad ee samaysta hubkaas, ururka “The Bulletin of the Atomic Scientists” ayaana sheegay in Islamabad hubkeeda Nukliyeerka uu ka kooban yahay illaa 170 madax.

Bishii Abriil ee lasoo dhaafay, Washington waxay cunaqabatayn ku soo rogtay afar shirkadood oo ganacsi oo ajnabi ah oo ay ku eedaysay inay xiriir la leeyihiin barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee Pakistan. Waqtigaas, Pakistan waxay cambaareysay cunaqabateynta Mareykanka, iyadoo sheegtay inay qeyb ka tahay siyaasadaha horseedaya in hubka la uruursado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here