Wasiiradda Amniga Gudaha ee Mareykanka oo Booqasha ku Tagtay Magaalada Barakaysan ee Al-Quddus ee ku Hoos Jirta Gumaysiga Yahuudda.

14
0

Ra’iisul Wasaaraha kayyaanka Yahuudda dhiig-yacabka lagu magacaabo Binyamiin Netanyaahu ayaa Axaddii shalay magaalada Quddus ee gumaysiga ku jirta ku qaabilay xoghayaha amniga gudaha ee Mareykanka haweenayda lagu magacaabo Kiristi Nuweym, taas oo booqasho ku timid dhulka ay Yahuudda gumaysato ee Falastiin, sida laga soo xigtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda.

Warbaahinnada Mareykanka iyo tan Yahuudda ayaa ku warramay, in madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu haweenaydaan u diray Yahuudda, si ay kayyaanka Sahaayinada uga tacsiyayso dilkii todobaadkii hore laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Yahuudda loogu geystay magaalada Waashitoon ee caasimadda waddanka Mareykanka.

Wasiiradda amniga gudaha ee Mareykanka ayaa intii uu socday kulanka ay la yeelatay ra’iisul Wasaaraha maamula Yahuudda waxa ay muujisay, taageerada joogtada ah ee ay u hayso Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda iyo maamulkiisa iyo sida ay ugu mahadcelinayso dagaalka uu ka wado marinka Gaza. Waa sida lagu sheegay, bayaan kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Yahuudda oo taageero dhan walba ka helayso dowladda Mareykanka ay sare u qaaday xasuuqyada ay ka waddo marinka go’doonsan ee Qazza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here