Wasiirka Amniga Yahuudda oo Iscasilaadiisu Dhaqan Gashay Maanta.

51
0

Waxaa dhaqan galay Is casilaadii wasiirka amniga Yahuudda Ben-Gvir, taas oo dhaqan galkeedu uu bilowday subaxnimadii Talaadada, 48 saac kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay iscasilaadan. Ben Gvir waxa uu aqoonsigiisii ​​barta uu ku lahaa X ka beddelay magicii ugu qornaa ee ahaa Wasiirka Amniga Yahuudda, isagoo u baddelay hoggaamiyaha xisbiga awoodda Yuhuudda ee midigta fog.

Waxa uu bartiisa Telegram-ka soo dhigay muuqaal muujinaya, isaga oo alaabtiisa ka uruursanaya xafiiska Wasiirka Amniga Yahuudda, wuxuuna sheegay in uu maanta soo gabagabaynayo Labo sano oo shaqo ah.

Marka laga soo tago wasiirka amniga ee is casilay, waxaa sidoo kale dhaqan galay iscasilaadii Wasiirkii Dhaxalka ee Yahuudda ninka lagu magacaabo Amichai Eliyahu iyo Wasiirkii Yahuudda u qaabilsanaa Arrimaha Negev iyo Galilee ninka lagu magacaabo Yitzhak Wasserlauf.

Iscasilaada wasiiradan ayaa Maamulka Yahuudda uga dhigan hasiimadii ugu xumayd ee soo foodsaarta tan iyo markii la aasaasay maamulka gumaystaha Yahuudda 1948-dii, tan oo noqonaysa bilowga burburka Sahaayinada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here