Wasiirka arrimaha dibadda ee Yahuudda Gideon Sa’ar ayaa sheegay, in Yahuuddu ay diyaar u tahay, inay u gudubto marxaladda labaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Gaza, illaa inta muqaawamada Falastiin ay doonayso inay sii deyso in ka badan 59 maxbuus oo Yahuud ah, waa sida uu hadalka u dhigaya.
Wajigii koowaad oo socday 42 maalmood ayaa dhamaaday iyadoo aan heshiis laga gaarin arinta Gaza dagaalka kadib iyo mustaqbalka Xamaas. Yahuudda ayaana horay u joojisay inay gawaari gargaar siday galaan Marinka.
“Waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno marxaladda labaad,” Sa’ar ayaa u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugnaa magaalada Qudus”Laakin si loo kordhiyo waqtiga ama qaabka, waxaan u baahanahay heshiis si loo sii daayo la haystayaal badan.” Ayuu raaciyay.
Xamaas ayaa doonaysa in ay sii waddo wejiga labaad ee wada xaajoodka, kaas oo horseedi kara in dagaalka si joogto ah loo soo afjaro, in ciidamada Yahuudda ay gebi ahaan ka baxaan marinka iyo in maxaabiista haray ay dib u soo laabtaan, kadib markii uu dhamaaday wejigii hore, kaas oo ay Xamaas sii daysay 33 maxbuus oo Yahuud ah iyo 5 maxbaxbuus oo kasoo jeeda Thailand, iyadoo Sahaayinada ay dhankeeda sii daysay illaa 2 kun oo baxbuus oo Falastiiniyiin ah.
Laakiinse Sahaayinada ayaa wareejinta maxaabiista ku xiraysa shardiga ah in la kordhiyo wajiga koowaad ee heshiiska, iyadoo taageertay qorshe ay sheegtay inuu soo jeediyay Steve Witkoff, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u qaabilsan waxa loogu yeero Bariga Dhexe, si loo kordhiyo xabbad-joojinta illaa bisha barakaysan ee Ramadaan iyo wixii ka dambeeya bisha April.