Wasiirka arrimaha dibadda dowlada Itoobiya ninka lagu magacaabo Taye Atske Selassieayaa، ayaa ku baaqay in dadaallo wadajir ah ay yeeshaan dalalka gobolka Geeska Afrika si loola dagaallamo Xarakada mujaahidiinta Al Shabaab oo ah koox Islaami ah oo ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
“Waa koox leh aragti siyaasadeed iyo fikir adag oo xagjir ah sidoo kale adeegsanaysa karaxyo aad u halis badan oo wax burburiya.” Ayuu yiri Taye Atske Selassie oo la hadlaayay warbaahinta.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda dowlada xabashida ayaa tilmaamay in Xarakada mujaahidiinta Alshaab ay ka mid tahay kooxaha ugu qanisan ururada dunida ka dagaalama.
Warka ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda dowlada Itoobiya ayaa muujinaaya sida ay dowlada Xabashida Itoobiya ugu fashilmatay dagaalkii ay waqtiga dheer ay kula jirtay xoogaga jihaadiyiinta ah ee Alshabab ee soo bilowday sanadkii 2006-dii.
Hadalka Wasiir Taye Atske Selassie، ayaa qabsaday baraha bulshada iyo warbaahinada Geeska Afrika، asagoo dhaliyay hadal hayn aad u balaaran oo ay badani isku waydiinayaan fashilka ku yimid duullaanadii ciidamada Shisheye ay ku soo qaadeen dalka Soomaaliya.
Xarakada Alshabaab ayaa u muuqata dowlada madaxbanan oo ka talisa qaybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya sidoo kale ku guulaystay iska caabinta ciidamada Shisheye ee duullaanka ku soo qaaday wadanka Soomaaliya.