Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar oo Booqasho Rasmi ah ku tagay Mareykanka.

19
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa Axaddii sheegtay, in Wasiir Badr Abdel Caati uu booqasho rasmi ah ku tagayo Washinton, kadib soo jeedintii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in dadka Gaza lagu wareejiyo dalal Carbeed oo ay ku jiraan Masar iyo Urdun, Qaahira waxay xaqiijisay inay diiday tallaabo kasta oo dadka Falastiiniyiinta ah loogu soo barakicinayo dhulkeeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in booqashadu ay ka mid tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee udhexeeya Masar iyo Mareykanka, iyo la-tashiyada horumarka gobolka, iyadoo aan tixraacin qorshaha Trump.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in wasiir Abdel-Ati inta uu booqashada ku joogo uu la kulmi doono madax badan oo ka tirsan maamulka cusub ee Mareykanka iyo xubno ka tirsan Congress-ka.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay, in uu ka codsaday Boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan in uu qaabilo tiro ka mid ah dadka deggan Marinka Qaza. Waxaa sidoo kale laga soo xigtay in uu jeclaan lahaa in Masar ay sidoo kale soo dhaweyso dadka ku nool marinka, isaga oo intaa ku daray, in uu kala hadli doono madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi arinkaas.

Horaantii maanta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay, in Qaahira ay martigelin doonto shir degdeg ah oo ay yeeshaan waxa loogu yeero madaxda jaamacadda Carabta , kaas oo la filaya inuu dhaco 27-ka Febraayo si looga wada hadlo isbadalada khatarta ah ee ku saabsan arrinta Falastiin.

Masar ayaa sidoo kale Jimcihii sheegtay, inay xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Carabta, oo ay ku jiraan Jordan, Saudi Arabia iyo Emirates, si loo xaqiijiyo diidmada gobolka ee barakicinta Falastiiniyiinta, kadib markii Trump uu sheegay inay qasab tahay in reer Gaza loo barikiciyo dalal ay kamid tahay Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here