Waxaa tafaasiil dheeraad ah oo laga helaya khasaaraha ka dhashay weeraradii cuslaa ee saaka Xarakada Alshabaab ay ku qaaday saldhiyada ciidamada DF ka iyo kuwa maamulka Jubbaland ee ku lahaayeen gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanada Buula Xaaji,Harboole iyo Miidow.
Dadka ku dhaawacmay dagaalkii saaka waxaa kamid ah waziir ka awqaafta maamul goboleedka Jubaland Maxamed Yuusuf Cumar.
wasiirka ayaa ku dhaawacmay weerar jid-gal ah oo ay xarakada Alshabaab udhigeen ciidamo gurmad ahaa oo ka soo baxay magaalada Kismaayo.
Dhanka kale, dhaawaca wasiirka awqaafta ayaa wax looga qaban waayay isbitaalada magaalada Kismaayo waxaana maanta loo qaaday magaalada Moqdisho.