Wasiirka ka Tirsan Yahuudda oo ku Baaqay in Hal Malyan oo Yuhuud ah xoog lagu Dajiyo Daanta Galbeed.

5
0

Wasiirka dhismaha iyo guriyeynta Yahuudda Yitzhak Goldakov, ayaa ku baaqay, in hal malyan oo Yuhuud ah lagu deegaameeyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Websaytka Cibraaniga ah ee Bahdrei Haredim, ayaa soo xigtay Goldktoev isagoo ugu baaqaya Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu inuu ka faa’iidaysto xaaladda hadda jirta si loo ballaariyo dhismaha dejinta ee Daanta Galbeed.

Marka loo eego guddiga iska caabinta gidaarka iyo dejinta ee Falastiin, tirada dadka lagu deegaameeeyay Daanta Galbeed waxay gaareen illaa 770,420 dhamaadkii 2024-kii, waxayna u qaybiyeen in ka badan 180 degsiimo.

Fiidnimadii Axadda, ciidamada Yahuudda ayaa gudaha u galay magaalooyinka Falastiiniyiinta ee waqooyiga Daanta Galbeed, iyagoo xiray tobanaan Falastiiniyiin ah, waxayna weerareen guryo, halka dadka xoogga lagu deegaameeyayna ay weerar ku qaadeen baabuur ay leeyihiin Falastiiniyiinta.

Goob joogayaal ayaa wakaalada Anadolu u sheegay, in ciidamada Sahaayinada ay xoog ku galeen tuulada Deir Istiya oo dhanka Waqooyi-Galbeed kaga beegan magaalada Salfit, waxayna weerareen tobanaan guri, iyagoo xirxiray tobanaan ruux oo laga soo qabtay guryaha iyo wadooyinka magaalada, waxaana la geeyay meel aan la garanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here