Wasiirka Muhaajiriinta Afgaanistaan Oo Kulamo Muhiim ah La Yeeshay Qaar Kamid Ah Bulshada Dalkaas.

26
0

Wasiirka Muhaajiriinta Afgaanistaan Mawlawi Cabdul-Kabiir ayaa la kulmo muhiim ah la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Culumaa’udiinka, Isimada iyo Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afgaanistaan. 

Intii uu socday kulanka, wasiirka socdaalka wuxuu carrabka ku adkeeyay in Imaarada Islaamiga oo mas’uul ka ah Afgaanistaan, ay doonayso inay xaqiijiso mustaqbal ifaya ee muwaadiniinta reer Afgaanistaan, isla markaana wada shaqaynta shacabka iyo dowladda ay kaalin mug leh ka qaadato sidii loo gaari lahaa yoolkaas.

Mawlawi Abdul Kabir ayaa intaa ku daray in laamaha amniga iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay habeen iyo maalinba ka shaqeynayaan sidii amniga dalka loo adkeyn lahaa, si loo gaaro xasillooni aan horay dalku u arag. 

Dhankooda, hoggaamiyayaasha qabaa’ilku waxay ammaaneen tillaabooyinka amniga gaarka ah ee laga hirgeliyay maalmaha Ciidda ee dalka oo dhan, iyagoo u arkayay inay yihiin natiijada nidaamka Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here