Yoav Galant, oo uu Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ka ceyriyay jagadii Wasiirka Difaaca, ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa ay timid kadib markii la isku khilaafay Saddex arrimood oo ay ugu horreyso arrinta ku saabsan askareynta.
“Waxaan aaminsanahay in qof kasta oo da’da askareynta gaaray uu ku biirayo ciidanka, mana bannaana in la soo saaro sharci kumannaan qof oo muwaadiniin ah ka dhaafaya in la askareeyo.” ayuu yiri Galant , isagoo walaac ka muujinaya sida ay askarta Yahuudda oogu dhamaadeen dagaalka Duufaan Al-Aqsa ee ay ku dhawaaqday muqaawamada Islaamiga ah ee Falastiin sanad ka hor.
Waxa uu intaa ku daray: “Marka laga hadlayo khilaafka Labaad, waa soo celinta maxaabiista ku xiran Qaza iyagoo nool, kuwaas oo qaarkood ay xanuuno la il daranyihiin” waa siduu hadalka u dhigaye.
Wuxuu sheegay in khilaafka Seddexaadna uu la xiriiro ku adkeysigiisa in la sameeyo hay’ad baaris rasmi ah ku samayso wixii dhacay wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar, 2023.
Fiidnimadii Talaadada, Netanyahu ayaa ku dhawaaqay xil ka xayuubinta Gallant, isagoona sheegay inuusan ku kalsoonayn habka uu umaamulayo hawlgallada milatari ee socda, isagoona baddalkiisa magacaabay wasiirkii arrimaha dibadda Sahaayinada ninka lagu magacaabo Israel Katz.