Wasiirkii Qaanuunka ee xukuumadda Bangaladesh, oo masuul ka ahaa xasuuqa muslimiin badan reer Bangaladesh ah oo la qabtay.
Wasiirka ayaa dhawaan la qabtay isagoo isku dayaya inuu ka baxsado dalka Bangaladesh.
Sidoo kale ganacsade weyn oo xiriir la lahaa xukuumadii burburtay ee Sheekhad Xasiina, oo ay reer Bangaladesh xilka ka tuureen ayaa la qabtay xili uu la socday wasiirka amniga oo baxsad ka ahaa dalka Bangaladesh.
Dalka Bangaladesh waxaa ka dhacay kacdoon xooggan oo xilka looga tuuray maamulkii gacan saarka lala lahaa dowlada islaam neceebka ku caanbaxday ee Hindiya.
Kacdoonka ayaa qalqal galiyay dalal ay ka mid tahay Hindiya oo u arka in ay waayeen isbahaysi muhiim u ahaa oo msulimiinta Bangaladesh xasuuq iyo caburin ku haayay sanado badan.