Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Liibiya oo uu Dhaawac kasoo gaaray weerar lagu Doonayay in lagu Khaarijiyo.

23
0

Ilo maxalli ah ayaa sheegay, in wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumadda Liibiya, Adel Jumaa, la dhaawacay maanta, kadib isku day dil oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Tripoli, halkaasoo dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigiisa.

Ilo wareedkan ayaa xaqiijiyay, in rag hubeysan ay kamiin u dhigeen wasiirka isagoo marayay mandiqadda Gharghoor ee dhacda gudaha caasimadda Liibiya, iyagoona rasaas ku furay gaarigiisa, taas oo si toos ah u haleeshay wasiirka, kadibna waxaa dhaawaciisa loola cararay goobaha caafimaadka, iyadoo ilahan ay xaqiijiyay in dhaawaciisa uusan aheyn mid halis ah.

Sidoo kale, Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya ee ka talisa galbeed dalkaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in xaaladda caafimaad ee wasiirku ay tahay mid deggan, isla markaana ay laamaha ammaanku bilaabeen baaritaanno ay ku baadigoobayaan raggii falkan geystay.

War saxaafadeedkeeda, ayay dowladdu ku cambaareysay “isku daygii hubeysanaa ee weerarka ahaa” ee lala beegsaday Jumaa xilli uu gaarigiisa ku watay waddada weyn ee Tripoli, iyadoo carabka ku adkeysay “in aysan u dulqaadan doonin isku day kasta oo wax u dhimaya ammaanka iyo xasilloonida gobolka.”

Muddo sanado ah, Liibiya waxaa ka socday dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro marxalad doorasho oo lagu xallinayo khilaafka u dhaxeeya labada xukuumadooda ee ka kala taliya galbeedka iyo bariga dalkaas. Labadaas xukuumadood mid ka mid ah waxaa soo magacaabay Golaha Wakiillada horaantii 2022-kii, waxaana hadda madax ka ah Osama Hamad, iyadoo xarun ka dhigatay magaalada Benghazi ee bariga dalkaas, waxayna maamushaa dhammaan bariga dalka iyo inta badan magaalooyinka koonfurta.

Midda kale waa dowlad ay aqoonsan tahay waxa loogu yeero Qaramada Midoobay, taas oo ah Dowladda Midnimada Qaran ee uu madaxda ka yahay Abdul Hamid Dbeibah, oo xarunteedu tahay magaalada Tripoli ee galbeed dalkaas, waxa ayna maamusho dhammaan galbeedka dalkaas.

Shacabka Liibiya ayaa rajaynaya in doorashada la wada sugayo ay soo afjarto colaadaha siyaasadeed iyo midda hubeysan ee ka jirta dalkaas, iyo in lasoo afjaro marxaladda kumeel gaarka ah ee uu ku jira dalkaas tan iyo markii la afgambiyay taliskii Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here