Waxa loogu yeero Ciidamada Dimuqraadiga ah ee Suuriya oo ku dhawaaqay, inay wada hadal la galayaan dawladda Cusub ee Suuriya.

16
0

Taliyaha waxa loogu yeero Ciidamada Dimuqraadiga ah ee Suuriya, Mazloum Abdi, ayaa ka shanqariyay, in dhibaatada Suuriya lagu xallin karo oo keliya wadahadal u dhaxeeya Suuriyaanka, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday, in uu ku raacsan yahay go’aanka Dimishiq ee ah in dagaal lagu wajahin dhammaan arrimaha ka taagan Suuriya.

Taliyaha ciidamada Dimuqraadiga ah ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay, in wafdi ka socda dadka gobolka la samayn doono si ay Dimishiq ugala hadlaan mustaqbalka gobolka ay ka taliyaan iyo dawladda Suuriya.

Ciidamada Dimuqraadiga ah ee Suuriya oo loo soo gaabiya Qasad ayaa wali gacanta ku haya deegaano badan oo ku yaalla Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya iyo qayb ka mid ah gobolka Deyr ez-Zor, waxayna deegaanadaas hoos tagaan ismaamul ay dhisteen Kurdiyiinta.

Maamulka cusub ee Suuriya ayaa ugu baaqay Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya, in ay ku biiraan dallada Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka cusub ee Suuriya, iyaga oo diiday nooc kasta oo ismaamul ah oo ka jira aagga Kurdiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here