Moscow ayaa manta ku dhawaaqday, in dab uu ka kacay xarun shidaal oo ku taalla magaalada Krasnodar, kadib markii madniqadaas ay la kulantay duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee aKyiv.
Xafiiska isku xirka adeegyada deg-dega ah ee Ruushka ayaa sheegay, in dab uu ka kacay meel u dhow tuulada Kavkazskaya, kadib markii ay soo dhaceen burburka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay soo rideen difaaca hawada ee Ruushka.
Waxa uu tilmaamay, in 105 ka mid ah kooxaha gurmadka iyo samata bixinta ay gurmadeen musiibada kadib, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Muuqaal laga soo duubay goobta laguna faafiyay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayaay, dab aad u xooggan oo kacaya goobta, halka qiiq iyo uurana ay hawada isku shareereen.
Arintaan ayaa kusoo beegmayso, iyadoo ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu Talaadadii ku dhawaaqay, in wada-hadallada lagu doonayo in xabbad joojin lagu dhex dhigo dawladaha Ruushka iyo Ukraine ay Axadda ka sii socon doonaan magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.