Weerar Dhanka Internetka ah oo Lagu Qaaday Dalka Marooko.

13
0

Sanduuqa qaranka ee damaanadqaadka Bulshada ee dalka Morocco ayaa Arbacadii sheegay, in lagu soo qaaday weerar dhanka Internetka ah, kaas oo lagu bartilmaameedsaday nidaamkiisa macluumaadka ee khaaska u ah, taasoo keentay in Baraha Bulshada lagu baahiyo xogta shakhsiga ah ee shaqaalaha, Sanduuqa ayaana ku dhawaaqay, in la bilaabay baaritaan ku aadan arinkaas.

Sanduuqa, oo ah hay’ad rasmi ah ee maamusha adeegyada caymiska, caafimaadka iyo hawlgabka shaqaalaha ganacsiga ee gaarka ah, ayaa sheegay, in nidaamkiisa macluumaadka loo geystay weeraro isdaba joog ah oo internetka ah oo sababay in xogta la baahiyo.

Tan iyo habeenimadii Talaadada, warbaahinta maxaliga ahi ee dalkaas ayaa soo tebinaysay dusinta xogta shakhsiyeed ee la xiriira mushaharka ku dhawaad ​​laba Milyan oo shaqaale, kuwaas oo ka shaqeeya ku dhawaad ​​500,000 oo shirkadood.

Waxaa xogtaasi soo bandhigay akoon Telegram ah oo ruuxiisa uu sheegay, in uu xiriir la leeyahay Aljeeriya uguna qornaa magaca “Jabrot DZ,” taasoo tixraacaysa lambarka aqoonsiga internetka ee Aljeeriya.

Akoonka “Jabrot DZ” ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, isagoo oo ku andacoonaysa “in uu ka jawaabayo weerarrada hackers-ka Morocco” oo ay ku eedeeyeen inay xadeen akoonnada wakaaladda wararka ee Aljeeriya ay ku leedahay barta “X”.

Arrintan ayaa muran ka dhalisay Baraha Bulshada iyo warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo amniga nidaamka macluumaadka ee hay’adda.

Dhankiisa, Sanduuqa ayaa warbixintiisa ku sheegay in baaritaanadii ugu horeeyay ee lagu sameeyay qaar ka mid ah dukumeentiyada la faafiyay, ee loo aaneeyay weerar dhanka internetka ah, ay ogaadeen in inta badan ay ahaayeen kuwo marin habaabin ah, aana sax ahayn, ama aan dhameystirneyn.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Morocco iyo Aljeeriya ayaa xumaaday muddo tobanaan sano ah, taas oo ay ugu wacan tahay muranka ka taagan gobolka Saxaraha Galbeed. Xiisadahaan ayaa cirka isku sii shareeray sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Aljeeriya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Rabat sanadka 2021, lamana oga inay Aljeeriya ka danbayso weerarkaan lagu soo qaaday internetka  Sanduuqaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here