Weerar loo Adeegsaday Tooreey oo ka Dhacay Magaalada Tel Aviv.

28
0

Warbaahinta Cibraaniga ah ayaa sheegtay, in saddex qof ay Talaadadii shalay ku dhaawacmeen weerar tooreey ah oo ka dhacay Nahalat Binyamin oo ku taallo Tel Aviv ee bartamaha dhulka Falastiin ee la haysto.

Halyeeygii fuliyay weerarka ayaa isla goobta ku shahiiday, kadib markii ay toogteen ciidamada Yahuudda , waxaana dadkii dhaawacmay loo gudbiyay Isbitaalada si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Warbaahinta Yahuudda ayaa ku warantay, in ninka falkan fuliyay uu yahay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Qadi Abdul Aziz, oo ahaa muwaadin Amareykan ah asal ahaana ka soo jeeda Morocco, kaasoo maalmo ka hor dalxiis ahaan u tagay Falastiinta gumaysiga ku jirta.

Saddex maalmood ka hor, qof Yahuudi ah ayaa si xun loogu dhaawacay weerar loo adeegsaday mindi oo ka dhacay waddada Levontin-Mikveh ee magaalada Tel Aviv. Maamulka deegaanka ayaa sheegay, in qofka dhaawaca ah loo gudbiyay isbitaalka, halka goobta lagu dilay dagaalyahankii falkan geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here