Warbaahinta ayaa manta xaqiijisay in shan qof ay ku dhaawacmeen weerar tooreey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Hadera ee waqooyiga magaalada Talaabiib, iyadoo aan la sheegin magacyada dadka la dhaawacay, Booliska Yahuuda ayaa sheegay in dhacdadaan ay wali baaritaan ku wadaan oo aan la aqoonsan cida gaysatay.
Channelka 12 ee Yahuuda ayaa sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay il daran yihiin xaaladoodana laga dayrinayo, Iyadoo warbaahinta Yahuudu ay sheegeen in howlgalka loo adeegsaday toorayda laga fuliyay meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Hadera.
Booliiska Yahuuda ayaa sheegay inay baarayaan dhacdadan, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Dhanka kale wargayska Macaarif, ayaa sheegay in ruuxii weerarka geystay uu baxsaday, iyadoo aan la xaqiijinin xog cadeynaysa halka uu ku danbeyn doono iyo cidda uu yahay.
Afhayeenka ciidamada guutada Al-Qasaam, Abuu Cubeyda, ayaa khudbad uu ka jeediyay xuska sanad-guurada hawlgalka Duufaanta Al- Aqsa, Isniintii lasoo dhaafay, waxaa uu ku baaqay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah gumeystaha ee Daanta Galbeed iyo gudaha dhulka la haysto ee Falastiin.