Weerar Toogasha ah oo Kadhacay Agagaar Safaaradda Yahuuda ee dalka Urdun.

29
0

Ciidamada ammaanka guud ee Urdun ayaa ku dhawaaqay, dilka qof rasaas ku furay ciidamada ammaanka oo ku sugnaa agagaarka safaaradda Yahuudda ee caasimadda Cammaan.

Ciidamada ammaanka guud ayaa sheegay, in 3 ka tirsan ciidamada ammaanka ay ku dhaawacmeen, kaddib markii qof uu rasaas ku furay iyaga oo ku sugnaa agagaarka safaaradda Sahaayinada ee Cammaan.

Warbaahinta ayaa soo tabinayso, in ciidamada amaanka dalka Urdun ay xireen dhamaan wadooyinka gala xarunta safaarada Yahuudda ee ku taalla galbeedka magaalada caasimada ah ee Cammaan, kaddib markii rasaas ay ka dhacday agagaarka xarunta safaarada.

Ilo dhanka ammaanka ah oo ka tirsan maamulka Urdun ayaa Al Jazeera u sheegay, in dhacdadu ay ku soo gabagabowday agagaarka safaaradda Yahuudda, waxaana la xakameeyay waddooyinka soo gala safaaradda.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa dad goob joogayaal ah ayaa sheegtay, in booliska Urdun ay go’doomiyeen dhismaha safaaradda Yahuudda, kaddib markii ay maqleen dhawaqa rasaasta.

Labo ruux oo  goob joogayaal ah ayaa sheegay, in baabuurta Booliska iyo kuwa ambalaasta ay ku yaaceen xaafadda Rabiix oo ay ku taallo safaaradda, kaddib markii ay maqleen rasaas goos goos ah.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay, in Booliska ay ka codsadeen dadka deegaanka inay ku ekaadaan guryahooda, iyadoo ciidamada ammaanka ay baadigoobayaan raggii toogashada geystay.

Aagga u dhow safaaradda, oo ay saaran tahay ilaala xooggan, ayaa ka mid ah meelaha la yaqaan ee inta badan lagu qabto mudaaharaadyada ka dhanka ah Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here