Inka Badan 10 Qof oo ku Dhintay Weerarro ka Dhacay Wadamo ka Tirsan Qaaradda Yurub.

19
0

Wadamada Ustariya iyo Faransiiska ayaa maanta martigaliyay labo weerar oo sababay dhimashada in kabadan 10 qof, halka lagu dhaawacay tiro kale oo aan wali si rasmi ah loo shaacin. Weerarka ugu dhimashada badnaa ayaana ka dhacay magaalada Garaas ee koonfurta dalka Ustariya, halkaas oo nin hubeysan uu rasaas ka furay gudaha dugsi sare oo ku yaalla magaalada. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas, weerarkan ayaana sababay dhimashada 10 qof oo ku sugnaa gudaha Iskuulka.

Booliiska dalkaas ayaana sheegay, in ninka weerarka fuliyay uu ahaa shakhsi ka mid ah ardayda wax kabarata dugsiga uu falku ka dhacay, kaas oo ugu dambayn nafta is dhaafiyay kaddib markii uu falkan geystay.

Dhanka kale, weerar kale oo loo adeegsaday tooreey ayaa ka dhacay magaalo dhacda bariga dalka Faransiiska, halkaas oo arday dhigta dugsi sare uu mindi ku dilay haweenay ahayd agaasimaha dugsiga uu ardaygaas wax ka baranayay. Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee AFP. Ciidamada booliiska ayaana si degdeg ah xabsiga u dhigay ardaygii weerarka fuliyay, iyadoo la sheegay, in baaritaanno lagu wado xaaladiisa caafimaad iyo sababta uu ugu kacay falkaas.

Dawladaha dhaca qaaradda Yurub ayaa laga dareemayaa in ay joogto ka noqdeen falalka noocan oo kale ah, kuwaas oo inta badan lagu beegsado goobaha wax barashada iyo meelaha ay dadku iskugu yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here