Weerarro Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Inka Badan 15 Qof oo Ka Dhacay Dalka Colombia.

19
0

Weerar culus oo isugu jira qaraxyo iyo rasaas toos ah ayaa lagu beegsaday saldhigyo boolis iyo xarumo dowladeed oo ku yaalla koonfur-galbeed dalka Kolombiya, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 7 qof, oo laba kamid ah ay ahaayeen askar, halka 12 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka dalkaasi.

Weeraradan ayaa ka dhacay magaalooyin ay kamid yihiin Cali, Corinto, El Bordo, iyo Jamundi, waxaana loo adeegsaday mootooyin iyo gaadiid kale oo lagu raray walxaha qarxa, iyadoo sidoo kale la adeegsaday diyaarado drone ah. Qaraxyadaasi iyo weerarrada tooska ah ayaa sababay burbur xooggan oo gaaray dhismayaal dowladeed iyo goobo kale oo xasaasi ah.

Booliska Kolombiya ayaa weerarradan ku eedeeyay kooxo hubeysan oo ka tirsan ururka FARC, gaar ahaan garabka loo yaqaan FARC-EMC, kuwaas oo wali si firfircoon uga hawgalla koonfur-galbeed dalkaasi. Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo maalmo uun laga joogo isku-daygii dil ee lagu qaaday Senator Miguel Uribe Turbay, oo ah musharrax madaxwayne oo katirsan xisbiga muxaafidka. Uribe ayaa lagu dhaawacay weerar lagu eedeeyay inuu fuliyay wiil 15 jir ah, wuxuuna weli ku jiraa xaalad adag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here