Ciidamada Yahuudda ayaa rasaas ooda uga qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa Daanta galbeed, halkaas oo uu ku shahiiday wiil yar oo Falastiini ah, halka dadka Yahuudda ah ee lagu deegaameeyay dhulka Falastiiniyiintu ay bilaabeen weeraro baahsan oo ay ku bartilmaameedsanayaan magaalooyinka iyo hantida dadka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed.
Ciidamada Yahuudda ayaa weerar ku qaaday boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa magaalada Beytunia ee galbeedka Ramallah, kuwaas oo sugayay sii deynta tobanaan maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsiga Ofer.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay inuu shahiiday wiil yar oo lagu magacaabo Ahmed Rashid Rushdi Jazzar oo 14 jir ahaa, kaddib markii ay ciidamada Yahuuddu rasaas ku fureen dad shacab ah oo kusugnaa magaalada Sebastia oo waqooyi-galbeed kaga beegan magalada Nablus.
Magaalada Sinjil oo ku taalla waqooyiga magaalada Ramallah ee Daanta galbeed, ayaa waxaa ka dhacay weeraro abaabulan oo ay qaadeen dad Yahuudd ah oo halkaas lagu deegaameyay, waxayna gubeen 4 baabuur oo ay lahaayeen dad Falastiiniyiin ah, iyagoo sidoo kale dhagxaan ku weeraray 4 guri oo isla magaaladaas ku yaallay.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay, in shacabka Falastiiniyiinta ee magaaladaas ay isugu soo baxeen wadooyinka, si ay isaga caabiyaan dadka weeararka soo qaaday ee Yahuudda ah, iyadoo aan la soo sheegin wax qasaaro nafeed ah oo ka dhashay iska hor imaadkaas.
Dhanka kale, Idaacadda Codka Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in weerarrada ay qaadayaan dadka Yahuudda ah ee dhulka Falastiiniyiinta lagu deegaameeyay ay beegsanayaan magaalooyinka Turmus iyo Deir Cammaar oo waqooyi iyo galbeed ka kala xiga Ramallah.
Weeraradan ayaa kusoo aadaya kaddib markii shalay uu hirgalay heshiiskii xabad joojinta iyo maxaabiis isdhaafsiga ahaa, kuwaas oo lagula kala wareegay maxaabiis tiradoodu gaarayso 90 maxbuus oo lagasoo daayay xabsiyada Yahuudda, halka Xamaasna ay siidaysay 3 maxbuus oo Yahuudd ah.