Xaalaadda Ruushka, Yukreyn Iyo Taagerista Mareykanka ee Yukreyn

17
0

Kormeerayaasha Ruushka ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey sida ay u daran tahay codsigii maamulka madaxweynaha Maraykanka Joo Baydhen uga yimi Congress-ka ee ahaa in 24 bilyan oo doolar oo gargaar milatari ah la siiyo Kiyev, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska “Politico” oo si faahfaahsan uga hadlay codsiga maamulka Baydhen ee ah in loo qoondeeyo 8 Illaa 16 Bilyan oo doollar si loo buuxiyo kaydka hubka ee sii yaraanaya.

In kasta oo ay toddobaadyo keliya ka harsan yihiin Baydhen in uu xafiiska ka tago, haddana wargeysku waxa uu tilmaamay in Xafiiska Maareynta iyo Miisaaniyadda Aqalka Cad uu soo jeediyay in Koongarasku uu ku daro kaalmadan go’aanka lagu kordhinayo maalgelinta dawladda, kaas oo la ansixiyay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, wuxuuna dhammaanayaa Diseembar 20 ee soo socota.

Moscow iyo reer galbeedka ayaa marqaati ka ah xiisadii ugu sareysay ee dhexmarta, gaar ahaan ka dib markii reer galbeedku ay Yukreyn nalka cagaaran u siiyeen in ay adeegsadaan hubka riddada dheer gudaha dhulka Ruushka, taasoo lagu sameeyay weerarkii ay ciidamadoodu ku qaadeen gobollada Kursk iyo Bryansk,kuwaas oo Ruushku sheegay in loo adeegsaday gantaalada Maraykanka iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha Ruushka Valadimir Putin ayaa 21-kii bishan ku dhawaaqay in dalkiisu isticmaalay – markii ugu horreysay – gantaaladii ballistic-ga ee riddada dhexe ee Ruushka ahaa ee Oreshnik, oo lagu garaacay dhismaha warshadaha millatariga Yuzhmash ee Dnieper, Yukreyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here