Afhayeenka dadka barakacayaasha ah ee ku sugan xerada Zamzam ee magaalada Al-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan ayaa sheegay, in xaaladda bini’aadantinimo ee xeradaasi ay ka sii dareyso, maadaama ay soo food saartay cunto yari iyo dawo yari. wuxuuna ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah inay si deg deg ah u soo farageliyaan, si loo badbaadiyo in ka badan 1 Milyan oo qof oo ku dhibaataysan goobtaas.
Dagaallada ka dhacay agagaarka Al-Fasher, iyo waddooyinka burburay oo noqday kuwo aan la mari karin xilli-roobaadka ayaa waxay gooyeen raashinkii gargaar ahaa ee u imaani jiray dadkaas.
Afhayeenka xerada Zamzam, ayaa Al Jazeera u sheegay, in Xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta xerada Zamzam ay aad uga sii daraysay maalmihii la soo dhaafay, taas oo ay ugu wacan tahay go’doominta joogtada ah ee ay ku hayaan ciidamada Taageerada deg-degga ah, waxayna ka hor istaageen inay xarada soo galaan cunto iyo dawooyin.
Waxa uu daboolka ka qaaday in ay jiraan illaa 47 xarumood oo hoy ah oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah, waxayna ka imaanayaan magaalada Al-Faasheer iyo tuulooyinka dhanka galbeed kaga beegan magaalada, kuwaas oo wajahaya xaalado bini’aadantinimo oo aad u adag oo ay ugu daran tahay cunto la’aan.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ay diyaariyeen kushiinno ay maalintii Labo mar ka cunteeyaan illa 8 xarumood oo hoy ah, si kastaba ha ahaatee, afhayeenku wuxuu ku nuuxnuuxsaday, in inta badan dadka barakacayaasha ah ay la kulmaan khatar dhanka macaluulsha ah.
Afhayeenka ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka RSF inay xoojiyeen go’doominta ay ku hayaan xerada Zamzam, isla markaana ay la wareegeen dhammaan agabkii soo galayay xeradaasi.
Sida laga soo xigtay waxa loogu yeero Qaramada Midoobay, qiyaastii 4.7 Milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano, iyo haweenka uurka leh ama naaska nuujinaya ayaa la ildaran nafaqo-xumo ba’an oo ka jirta dalka Suudan.