Wararka inaga soo gaaraya Qaza ayaa tilmaamaya, in xaalada gudaha isbitaalka Kamaal Adwaan ay sii xumaaneyso, kadib markii ciidamada gumaystaha ay xoog ku galeen isbitaalka, Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay, dhimashada Labo carruur ah oo ku sugnaa qaybta daryeelka degdegga ah ee isbitaalka Kamaal Adwan, kadib markii ay istaageen matoorada isbitaalka, isla markaana la beegsaday xarunta Ogsajiinka.
Sidoo kale gumaystaha ayaa burburiyay illaa 3 gaari oo ambalaas ah iyo hal gaari oo kamid ah kuwa xamuulka qaada, taas oo caqabad ku noqotay howlihii gargaarka iyo gaadiidka ee isbitaalka, waxaa kale oo ay burburiyeen ciidamada Sahaayinada nidaamkii Korontada ee ku shaqaynayay cadceeda , waana arinta sii kordhinaysa dhibaatada ka jirta halkaas.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay, in ciidamadii Yahuudda ee ku sugnaa isbitaalka Kamaal Adwan, ay baaritaanno ka sameeyeen qeybaha kala duwan ee isbitaalka, iyagoona rasaas ku furay gudaha isbitaalka, taas oo sii kordhisay argagax iyo walwal.
Waxay sheegtay Wasaaradda, in tirada guud ee dadka ku jira isbitaalka ay gaarayaan 600 oo qof, oo isugu jira bukaanno, dhaawacyo, shaqaale caafimaad, iyo dad kale oo la socday, iyadoo xustay in tirada bukaannada iyo kuwa hadda hawlgallada ku dhaawacmay ay gaarayaan 195 ruux, halka shaqaalaha caafimaadkuna ay gaarayaan 70 qof.
Gelinkii hore ee Jimcihii, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday, in Ciidanka Sahaayinda ay xoog ku galeen isbitaalka Kamaal Adwaan, halkaas oo ay ku xireen boqollaal bukaanno ah iyo hawl-wadeenno caafimaad.