Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale sheegtay in ay xaqiijinayso damaceeda ku aaddan qabsashada badda Soomaaliya.
Mas’uuliyiin sar sare oo dowladda xabashida Itoobiya katirsan ayaa khudbado ay jeediyeen waxay ku sheegeen in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damacooda ku aaddan doonista qabsashada biyaha soomaaliya gaar ahaan badda cas.
Ridwaan Xuseen oo horay usoo noqday lataliyaha amniga ee Abiy Axmed hadane ah taliyaha sirdoonka Itoobiya iyo taliye ku xigeenka ciidanka badda Itoobiya ayaan ka sheegay in isku dayga xabashida ee qabsashada badaha geeska Afrika ay uu soo billaawday xiligii uu xabashida maamulayay boqor Mililk islamarkaana ay hadda haystaan fursad ay damacaas kusoo cusboonaysiin karaan.
“Waxaan u baahannahay in aan xaqiijino helidda marin badeed, ma ahan oo kaliya dekedo ganacsi, qiimo kasta ha ku kacdee waa in aan dadkeena uhelnaa marin badeed oo muhiim u ah jiritaankooda.
Fursadeennii ugu horreysay waxaan ku weynay xilligii Menelik laakiin hadda waxaa noo soo baxay fursad labaad oo aan ku hanan karno marin badeed, suuragalna ma ahan in aan arrinkaas dib uga laabanno” Ayuu yiri mas’uul katirsan xukuumadda Abiy Axmed.
Horraantii sanadkan ayuu Muuse Biixi oo ah hoggaamiyaha maamulka Somaliland, Xabashida Itoobiya usaxiixay heshiis xaaraan ah oo cadowga xabashida soo jireenka umadda soomaaliyeed lagu siiyay qeyb kamid ah badda soomaaliya.