Xabbad joojin u dhaxaysa Yahuudda iyo Xisbullah oo billaabatay.

28
0

Xabbad joojin u dhaxaysa Yahuudda iyo Xisbullah ayaa dhaqangashay 4-tii subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah ee dalka Lubnaan (02:00 GMT) iyada oo rajada laga qabo in xabbad joojintu ay soo afjarto werarada ay Yahuuda ku hayso magaalooyinka Lubnaan iyo in ka badan hal sano oo ay dagaallo ka socdeen koonfurta Lubnaan iyo waqooyiga Dhulka Yahuuda.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska dhexmaray Yahuudda iyo Xisbullah uu ku lug leeyahay in ciidamada Yahuuddda ay ka baxaan Lubnaan muddo 60 maalmood ah, iyadoo milateriga Lubnaan ay la wareegeen dhul ku yaalla koonfurta dalkaas si ay u xaqiijiyaan inaysan Xisbullah dib u dhisin ciidamada.

Weriyaha Aljazeera ee koonfurta Lubnaan Ali Hashem ayaa sheegay in dadka reer Lubnaan ay eegayaan inay xabad joojintu “ay soconayso, iyo in kale” iyo in dagaalku run ahaantii “soo afjarmay”.

Weerarrada Yahuudda ayaa tobanaan qof ku dilay Qaza, oo ay ku jiraan 13 qof oo gabaad ka dhiganayay iskuul ku yaalla xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza.

Xasuuqa Yahuudda ee Gaza ayaa dilay ugu yaraan 44,249 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 104,746 kale tan iyo Oktoobar 7, 2023.

Ugu yaraan 1,139 qof ayaa looga dilay Yahuudda intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 ayaa la qabtay.

Lubnaan, ugu yaraan 3,823 qof ayaa lagu dilay 15,859 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Yahuudu Ku qaaday Halkaas tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here