Mareykanka ayaa Labo maxbuus oo u dhashay dalka Malaysia oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay u wareejiyay dalkooda, kaddib markii ay qirteen eedeymaha la xiriira qaraxyadii lagu hoobtay ee 2002-dii ka dhacay Jaziirada Bali ee dalka Indonesia, maxaabiistan Muslimiinta ah ayaa lagu wareejiyay Malaysiya si halkaas loogusii hayo in mudo ah kaddibna loo sii daayo.
Soo wareejinta Labadan maxbuus ee lagasoo daayay xabsiga Guatanamo ayaa kusoo beegmaysa, xilli hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqul insaanka iyo kuwa kale ay ku cadaadinayaan maamulka Joe Biden, inuu soo afjaro xariga in ka badan 10 qof oo xabsigaas ku xiran, iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.
Labada maxbuus ee lagasoo daayay Xabsiga Guantanamo Bay ayaa kala ah, Muhammad Fariq bin Amiin iyo Muhammad Nazir bin Laib, Labadan nin ayaa bishii Janaayo ee la soo dhaafay qirtay hawlgalkii loo haystay ee ahaa, inay ka dambeeyeen weerarkii Jaziirada Bali ee dalka Indonesia ka dhacay 2002-dii.
Booliska Malaysia ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in labada Maxbuus ay dib ugu soo laabteen dalkooda Arbacadii, ayna xabsiga ku sii jiri doonaan in mudo ah, mana aysan sheegin inta ay xirnaan doonaan, waxaana ay intaa ku dareen in labada Maxbuus ay aad uga mahadcelinayaan dib ugu soo laabashada dalka Malaysia.