Xadgudubyadii ugu caansanaa ee ay Yahuuddu ku Kacday intii lagu jiray wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta. (Warbixin)

16
0

Wajigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta ee dhex maray iska caabinta iyo Yahuudda ayaa waxaa ka dhacay xadgudubyo waaweyn oo ay geysteen gumeystaha, kuwaas oo aan u hoggaansamin qodobbadii bini’aadantinimo ee lagu heshiiyey.

Warbixin xog ah oo ay baahisay Aljazeera kana soo xigatay dhaqdhaqaaqa iska caabinta islaamiga ah ee Xamaas, ayaa lagu sheegay, in gumaystaha ay ogolaadeen in 23 baabuur oo shidaal ah ay galaan marinka Gaza maalin kasta, kuwaas oo ka mid ahaa 50 baabuur oo heshiiska lagu sheegay. Sidoo kale waxay Yahuuddu  hor istaagay in shidaalka noocyadiisa kala duwan uu soo galo marinka, inkastoo uu jira qodob si cad u qeexayo arinkaan oo ku kamida qodabada heshiiska.

Kaliya 15 guri oo kamid nooca guurguura ayaa la keenay marinka, halka la rabay in la geeyo 60 kun oo guri inta lagu gudo jiray wejiga koowaad ee heshiiska. Waxa uu ogalaaday gumaystaha inay gudaha u galaan marinka Gaza 9 baabuur oo kamida kuwa culculus, si ay u qaadaan burburka iyo soo saarista meydadka, 500 oo baabuur ayaana heshiiska lagu sheegay.

Kaliya 5 ambalaas ayaa soo galay Marinka Gaza, gumaystahana waxa uu ka hortagtay gelitaanka dhismaha iyo dhamaynta agabka si loo dayactiro isbitaallada iyo kaabayaasha burburay.

Yahuudda waxay diiday in qalabka difaaca madaniga ah la soo geliyo marinka Gaza, taas oo jabinaysa heshiiskii, waxa ay hor istaagtay, in ay dib u hawlgasho xarunta korontada ee marinka Gaza, iyadoo diiday in la keeno agabka lagu dayactirayo xaruntaasi.

Arintaan ayaa kusoo beegmayso, iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay uu  idlaaday wajigii koowaad ee heshiiska xabad joojinta ee marinka Gaza, halka ay jirto xaalad mugdi ah oo ku xeeran dib u soo celinta heshiiska, iyadoo Yahuuddu ay dooneyso inay kordhiso wejiga koowaad, halka Xamaasna ay dalbaneyso in si deg deg ah loo bilaabo wajiga labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here