Wargeys ka soo baxa Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday, Sabtidii, in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, uu wajahayo kiis cusub oo la xiriira codsigiisa ah in la joojiyo duubista ciidanka ee shirarka lagu gorfaynayo arimaha dagaalka ee qarsoodiga ah.
Wargeyska Yedioth Ahronoth ayaa sheegay, in xafiiska Ra’iisul wasaaraha Yahuudda ee Benjamin Netanyahu, uu wajahayo duufaan xooggan oo sii kordheysa, oo ku hareereysan kiisas xiriir ah, kuwaas oo qaarkood baaritaan lagu hayo.
Wargeysku wuxuu sharxay in bilowgii dagaalka Marinka Gaza ee Oktoobar 7, 2023, shirarka Golaha Dagaalka oo markii dambe la kala diray lagu qabtay xarunta Wasaaradda Difaaca ee Tel Aviv, Natanyahu wuxuu ahaa qofka masuulka ka ahaa duubista shirarkaas.
Ciidamada Yahuuddu waxay sheegeen in fadhiyada duubista inta lagu guda jiro dagaalka ay ahaayeen lagama maarmaan, laakiin sharaxaaddaas ma aqbalin xafiiska Netanyahu, kaas oo amaray in ciidanku joojiyo duubista, sida uu sheegay Wargayska Yedioth Ahronoth.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wargeyska Maariv uu sheegay, in la taliyaha dhanka garsoorka ee Maamulka Yahuudda, uu oggolaaday in la furo baaritaan lagu sameeyo Netanyahu, oo ka dhan ah xogta sirta ah ee xafiiskiisa laga faaafiyay iyo kiisaskii dhawaan lagusoo oogay.