Guutada Al-Qassam, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahanadoodu ay galeen goob ay ku sugnaayeen ciidammada Yahuudda oo ku taalla xerada Jabalia ee Waqooyiga Marinka Qaza, iyagoo halkaas ku dilay 5 Askari oo Yahuudd ah.
Al-Qassam ayaa intaa ku daray, in intii uu socday howlgalka ay dagaalyahanadoodu ku gubeen taangi Merkava ah iyo ciidamadii la socday, waxayna sidoo kale qarax kale la beegsadeen gaari nooca jeebka ah oo ay la socdeen tiro askar ah, kuwaas oo noqday wax dhinta iyo wax dhaawacma.
Dhinaca kale, ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay in hal askari looga dilay dagaallo ka dhacay Marinka Qaza, halka sarkaal ciidan oo ka tirsanaa guutada Givati uu si xun ugu dhaawacmay dagaal ka dhacay Waqooyiga Qaza.
Askartan Yahuudda ah ayaa dhiig-bax joogto ah kala kulmaya furimaha dagaalka, ayagoo halkaas ku waayay kumanaan kamida ciidamadooda, halka ay ayagun Marinka ka gaysnayaan xasuuq wuxuushnimo ah oo aysan u meel dayayn, kaas oo galaaftay nolosha Tobanaan kun oo ka tirsan shacanka Falastiiniyiinta.