Xamaas oo ku Dhawaaqday Sii Daynta 3 Maxbuus oo Yahuudd ah Ayadoo Xabsiyada Sahaayinada Lagasoo Dayn Doono 369 Falastiiniyiin ah.

29
0

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa ku dhawaaqday magacyada 3 maxbuus oo Yahuudd ah oo ay doonayaan inay sii daayaan berri oo Sabti ah, iyagoo xusay in Sahaayinadu ay sii dayn doonto 369 qof Falastiiniyiin ah, taasoo qayb ka ah wajigii koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee Marinka Qaza.

Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Al-Qassam, garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiiniyiinta  ee Xamaas, ayaa ku dhawaaqday in iska caabintu ay go’aansatay in ay sii deyso 3 maxbuus oo kamida maxaabiistii Yahuudda, kuwaas oo bari sabtida lasii dayn doono.

Afhayaeenka ayaa sheegay in maxaabiista lasii dayn doono ay kala yihiin: Sasha Alexander Tropanov, Sagi Dekel Han, iyo Yair Horn, oo dhamaantood lasoo qabtay intii ay Yahuuddu dagaalka ka waday Marainka Qaza.

Dhinaca Yahuudda, xafiiska ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in “liiska maxaabiista ee soo daysay Xamaas uu yahay mid la aqbali karo” taas oo ka dhigan in heshiiska labada dhinac uu halkiisii kusoo laabtay, kaddib markii uu mad madow soo galay.

Marxaladan ayaa kusoo aaday wakhti laga muran sanayahay kawada tashiga wajiga Labaad ee heshiiska xabad joojinta, taas oo ay Yahuuddu isku dayayso in carqaladayso, ayagoo dib u dhigaya ka wada hadalka qodabada ku xusan wajiga labaad ee heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here