Xamaas oo Ogolaatay Soo Jeedinta Masar ee ah in La Sameeyo Guddi Maamulka Qaza.

15
0

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa ku dhawaaqay, inay ansixiyeen hindise sharciyeed lagu dhisayo guddi ka qayb qaata taageerada bulshada iyo maamulida Qaza, kaddib wadahadal ay Qaahira kula yeesheen Dhaqdhaqaaqa Xoreynta ee Fatax.

Muqaawamada ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Khamiis ah ku sheegtay, in wafdigoodu ay soo gabagabeeyeen shirarkii ay ku lahaayeen caasimadda Masar, halkaas oo ay wada-hadallo qoto-dheer kula yeesheen dhaqdhaqaaqa Fatax, kaas oo ku saabsanaa samaynta guddi maamula marinka Qaza.

Wadahadaladan ayaa looga gol lahaa in lagu gaaro midnimo dhamaystiran oo gabi ahaanba la joojiyo kala qaybsanaanta Falastiiniyiinta, taas oo saamayn wayn ku keentay isku duubnidii bulshada, shairkan ayaana lagu qabtay dalka Masar.

Dhaqdhaqaaqa ayaa sheegay in wafdigoodu ay sidoo kale kulan la qaateen hoggaanka Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin, halkaas oo looga hadlay guud ahaan horumarka siyaasadeed ee Marinka Qaza iyo Daanta Galbeed.

Wadahadalladan looga hadlayay soo afjarida kala qaybsanaanta Falastiiniyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo la eegayo isku dayada lagu doonayo in dib loo soo celiyo wada xaajoodayada ku saabsan heshiiska is dhaafsiga maxaabiista iyo xabad joojin ka hirgasha Marinka Qaza.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here